Qarax miino ayaa haleelay gaari nooca dadweynaha ah oo ay la socdeen rakaab, taasoo keentay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso uu qabsaday gaari Caasi Homey ah oo ku socday wadadda xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Gaariga qaraxa haleelay ayaa ku dhacay gaari kale oo BL ah, waxaana shilka iyo qaraxa ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Darawalkii gaariga iyo qof haweeney ah ayaa la soo weriyay inay ku dhinteen qaraxa, halka in ka badan shan qof oo rakaabkii saarnaa ah ay ku dhaawacmeen, qaarkoodna ay xaaladoodu liidato.
Goobjooge