Friday, June 27, 2025

MUQDISHO: Qarax ka dhacay Goob laga ilaaliyo Madaxtooyada iyo Nin Miino aasayey oo toogasho lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax miino oo xalay ka dhacay meel u dhow goob laga ilaaliyo Madaxtooyada Sooamaliya, gaar ahaan Isgoyska Dabka.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay Miino la geliyay Jawaan qashin oo la dhigay, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo shacab ah, iyadoo qof looga shakiyey ay ceyrsadeen ciidamada Amniga, balse uu ka baxsaday, sida ay sheegeen dadka goobjoogayaal ahaa.

Ciidamada Booliska iyo ilaalada Madaxtooyada ayaa xoojiyey Amniga aagga uu qaraxa ka dhacay, inkastoo aan lagu guuleysan in la qabto qofkii looga shakiyey inuu Bamka halkaasi dhigay. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxya hay’adaha Amniga.

Dhinaca kale ciidamada Amniga ayaa xalay xilli danbe toogasho ku dilay qof la sheegay inuu ka mid ahaa koox miino ku aaseysay Wadadda Suuq Bacaad, degmada Yaaqshiid, kadib markii ciidamada ka warheleen arrintan oo ay weerar ku qaadeen kooxdii falkan ku howlaneyd.

Is-rasaaseyn ayaa dhex maray kooxda Miinada waday iyo ciidamada Amniga, waxaana goobta ku dhintay qof ka mida kooxda, iyadoo ay baxsadeen laab kale, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Yuusuf Maxamed.

Miinooyinka dhulka la dhigo ayaa si weyn ugu soo batay caasimada Muqdisho, iyadoo Alshabaab ay sii kordhisay qaraxyada loo adeegsanayo Miinooyinka oo hadda gaaray goobaha laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON