Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas goos goos ah laga maqlayo xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Iska hor imaad ka dhex bilowday ciidamo ka tirsan milateriga Guuto saddexaad iyo ciidamada xasilinta caasimadda oo xalay saqdii Dhexe kadib howlgal ka bilaabay xaafado ka tirsan degmada Deyniile ayaa weli la xalin.
Dadkii deganaa agagaarka Haanta Dheer, xerada 77 iyo xaafadaha ku dhowdhow ayaa ka bara kacaya degaankaasi, waxaana la arkayay dad fara badan oo laga daabulayo halkaasi, iyadoo ay isku hor fadhiyaan labada ciidan.
Dagaalka oo waqti dheer qaatay ayaa saaka qaboobay, waxaana goobta gebi ahaan isku wareejiyay ciidamada NISA iyo kuwa xasilinta caasimadda, waxaase iska caabin wada ciidamada halkaasi ku sugnaa.