Qarax lagu xiray gaari uu watay nin ganacsade ah ayaa saaka ka dhacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ganacsadaha ayaa ka badbaaday qaraxa loogu xiray gaariga oo ka dhacay suuqa bakaaraha, degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ku sugnaa agagaarka Hotelka Mmaalin Taajir. Ganacsadaha oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay inuusan ogeyn sababta loo beegsaday, isla markaana aanu ogeyn goobta lagu xiray.
Miinada ayaa lagu xiray kursiga kursiga darawalka gaariga, wuxuuna qaraxa dhacay markii uu ganacsadaha ka degay.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxayna baaritaan ka bilaabeen kiiska.
Goobjooge.com