Monday, July 14, 2025

Muran hareeyay xulista Baarlamaanka Maamulka Jubba iyo Wasiirka Arrimaha gudaha oo tegay Kismaayo

Muran ku saabsan xildhibaanada Baaramaan uu yeesho maamulka KMG ah ee Jubba ayaa hareeyay shir ka furmaya magaalada Kismaayo oo la filayo in lagu qeybsado laguna soo xulo baarlamankii ugu horeeyay ee maamulkaasi yeesho.

Odowaa

Beelaha degaanka intooda badan ayaa ka horjeeda qaabka ay Axmed Madoobe iyo maamulkiisu u doonayaan inay u qeybiyaan tirada Baarlamaanka maamulka, waxaana dacwad iyo cabasho is daba joog ah la gaarsiiyay dowladda Federaalka oo maanta wasiirkeeda arrimaha gudaha  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa uu ka degay magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu furo  shirka lagu soo xulayo baarlamaanka Maamulka KMG-ka ah ee Jubba, lamana oga doorka ay dowladda federaalka ku leedahay arrintan iyadoo horeba loogu eedeeyay dowlada federaalka inay taageereyso Axmed Madoobe iyo maamulkiisa oo beelo badan ay ka cabanayaan.

Waxaa la sugayaa waxqabadka uu la yimaado wasiirka cusub ee arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa oo ah inuu ku socdo siyaasadii taageerada Axmed Madoobe ku dhisneyd iyo inuu wax ka bedeli doono.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON