Sunday, June 22, 2025

Muranka Aqalka Sare oo hareeyay Shirka Madasha & Shariif Xasan oo talo yaab leh soo jeediyay

Shirka Madasha Qaran ee wadatashiga oo ka socda magaalada Muqdisho maalintii saddexaad ayaa wararku sheegayaan in la isku mari la’ yahay arrimo quseeya Aqalka Sare.

Aqalka Sare oo ku cusub qaab dhismeedka dowladnimo ee Soomaaliya ayaa in muddo ahba ahaa mushkilad weyn oo la isku qabtay sida loo dhisayo iyo qaabka loo qeybsanayo xubnihiisa.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mida madaxda Madasha ayaa soo jeediyay talo aan fileyn oo ah in gebi ahaanba la laalo dhismaha Aqalka sare oo dib loogu dhigo dowladda danbe iyadoo dastuurka qabyada lagu daro qaab dhismeedkiisa oo faafhaahsan.

Ad

Arrintan waxaa ka biyo diidan madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ku adkeysanaya inaysan aqbali karin dib u dhac lagu sameeyo Aqalka sare, waxaana sii kordhay muranka ku saabsan qaabka qeybsiga xubnaha Aqalka Sare.

Waxaa markii hore lagu saleeyay Aqalka Sare 54 xubnood oo ku dhisan 18-kii Gobol ee dalka ka jiray 1990-kii, sida uu tilmaamayo Dastuurka KMG ah, laakiin waxaa arrintan wax ka bedelay madasha Qaran oo qaab maamul goboleed u dhigtay, kadibna waxaa loo bedelay qaab qabiil, iyadoo weli aan la isla meel dhigin qaab dhismeedkiisa.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON