Monday, June 23, 2025

Mursal iyo Muudey oo tegay shirka Musharixiinta Madaxweynaha iyo Farriin culus oo ku socota Farmaajo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Cabdiweli ibraahim Muudeey ayaa caawa lagu soo dhoweeyay shirka Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee maalintii saddexaad ka socda Magaalada Muqdisho.

Ujeedka ay Guddoomiye Mursal & ku-xigeenkiisa Muudey uga qeyb galee kulankii caawa ayaa lagu sheegay inay la kulmaan, isla markaana dhageystaan mowqifka musharixiinta xilka Madaxweynaha ee ka horjeeda Guddiyada Doorashada ee ay magacawday xukuumadda, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay shirar gaara la yeelanayeen qaar ka mida Musharixiinta Mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in Mursal iyo Muudey ay isku kacsan yihiin Madaxweyne Farmaajo oo aan la-tashi ah la yeelan tan iyo intii la dhisay xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, waxayna arrintan u tahay farriin culus oo ay u dirayaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON