Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa magaalada Kampala kula kulmay wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal, isla markaana kala saxiixday heshiiyo iskaashi.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey wada-hadallo laba geesood ah oo dhex maray labada mas’uul ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Maxamuud iyo dhammaan dawladda Soomaaliya sida ay u dafireen beenta kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, isla markaana ay si hagar la’aan ah uga hawl-galeen sidii ay gabi ahaanba u go’doomin lahaayeen, loogana adkaan lahaa, si loo helo nabad buuxda. Soomaaliya.
Musaveni ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sida dadka Soomaaliyeed loogu baahan yahay inay dowladooda dib ugu dhistaan, ayna ula dagaalamaan Alshabaab.
“Mideynta iyo horumarinta waddanku waxay baahan yihiin fikrado sax ah, waxaan ku guuleysannay inaan dhisno ciidamadeena UPDF. Marka aan u dirnay howlgallada dibadda sida Soomaaliya oo kale waxaan u arkeynay inay waajib nagu tahay inaan walaalaheen Afrikaanka ah ku difaacno dareenka Afrikaannimo” ayuu yiri Madaxweyne Museveni.
Madaxweyne Museveni wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay si iskood ah dalkooda uga difaacaan kooxaha argagaxisada, ayna ku dhaqmaan wadaniyad. Waxa uu si gaar ah u xusay in loo baahan yahay in la helo dhalinyaro Soomaaliyeed oo guntada sidii ay dalkooda u difaaci lahaayeen, uguna noqon lahaayeen ciidan.
Musaveni wuxuu si cad u taageeray codsiga Soomaaliya ee ah inay ku biirto bulshada Bariga Afrika maadaama ay Soomaaliya buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa in uu ku biiro, isagoo Xasan Sheekh ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa si weyn ugu ammaanay Uganda sida ay uga caawineyso dalkiisa la dagaalanka argagixisada isagoo xusay in argagixisada Soomaaliya aysan ku ekeyn Soomaaliya oo kaliya balse ay tahay argagixiso caalami ah.
Waxa uu intaa ku daray in dowladiisa ay kula dagaalamayso argagixisada Al-Shabaab saddex dhinac oo kala ah: mid fikir diineed, Milateri ahaan iyo mid dhaqaale si loo curyaamiyo, loona soo afjaro argagixisada.
Labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyey in la sii xoojiyo iskaashiga, waxaana ay soo dhaweeyeen saxiixa is-afgaradka labada dal ee dhinacyada iskaashiga diblomaasiyadeed iyo siyaasadda, Difaaca iyo iskaashiga ganacsiga.
