Saturday, August 2, 2025

Musharax aan la aqoon oo wacdarro ka dhigay fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya

Mid ka mida musahrixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa wacdarro ka dhigay labada aqal ee Baarlamaanka isagoo jeediyay khudbad la yaab leh.

Musharaxan oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Jabarti ayaa sheegay inuu yahay musharaxa kaliya ee Soomaali dhan ah oo aan wadan dhalasho shisheeye isagoo soo bixiyay baasaboorkiisa Soomaaliga ahaa.

Wuxuu kaloo u balanqaaday xildhibaanda iyo waalilood inuu sanad kasta xajika geyn doono, isagoo sacad iyo sawaxan ku soo jiitay xildhibaanada khudbadiisa dhageysanayay.

Musharax Jabarti  ayaa sheegay haddii madaxweyne loo doorto inuu Wasiirka Maaliyadda ka dhigi doono haweeney, wuxuuna dumarka ku amaanay inaysan tuugo ahayn.

Musharax Maxamed Axmed Jabarti

“Bal meesha dalku marayo fiiriya maalin dhoweyd 520,000 Doollar ayaa ninkii khasnajiga ahaa la baxay waxaasi bal fiirya, Maaliyadda gabar baan u dhiibayaa, ku xigeenada iyo khasnajiga gabdho ayaan ka dhigayaa, wallaahi waa ka raxmad badan yihiin intay gabar Soomaaliyeed lacagtaasi la baxdo inay la cararto kama suurowdeen” ayuu yiri Musharaxan.

Musharaxan oo aan dadku wax aqoon ah u lahayn ayaa la soo weriyay inuu ka mid ahaa musharixiintii xilligii ugu danbeeyay is diiwaan geliyay isagoo lug ahna uu tegay xarunta baarlamaanka oo markii danbe gaari lift ah uu ka soo raacay, waxayna dadka qaarkiis ku sheegeen inuu yahay wadani dhab ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON