Wednesday, June 25, 2025

Musharax C/raxmaan Cirro oo Colaadda Laascaanood ku tilmaamay ‘Dagaal Sokeeye’

Musharaxa madaxweynaha Xisbiga Waddani ee Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirrro) ayaa go’ana. kaqaaday colaadda ka taagan magaalada Laascaanood, isagoo eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi.

Musharax Cirro ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ka socda uu yahay Dagaal sokeeye, isla aan la aqbali karin dhimashada, dhaawaca iyo barakaca, isagoo. kubaaqay in la joojiyo, “Laascaanood waxay noola mid tahay Hargeysa, Boorama iyo magaalooyinka kale”.” ayuu yiri.

Shirkiisa jaraa’id ayuu C/raxmaan Cirro ku qabtay magaalada Hargeysa, wuxuuna sheegay inuu Xisbiga WADDANi cambaareynayo farogelin uu sheegay maamul goboleedka Puntland inuu ku hayo Laascanood iyo ee Duullaanka uu kusoo qaaday gobolka Sool, sida uu yiri.

Wuxuu caddeeyay inuu barbar taagan yahay ciidanka Somaliland, sida ay isaga difaaceen wixii dibadda kaga yimaadda.” Xisbiga WADDANI xal uma arko xabad in lagu wajaho arrinta Laascaanood..”

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhinaca kale Muuse Biixi ku tilmaamay inuu haadaan ka tuuray Somaliland. “Muuse waxaan leeyahay intii aad talada aad la anban kartay aa la anbatay.. sidee ayey. uekaan doontaa Somalilan-ta aad ka teeyso. Annigu is dhul dhig la’aanta, garawshiyo la’aanta, ballan ka baxa iyo tanaasul la’aanta uma aqaano dhaqan wanaagsan oo hoggaamiye ku sifoobo. Isu bahallo galinta dadkaygana badbaado uma arko.” ayuu yiri Musharax Cirro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON