Musharaxa Madaxweyne Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah musharixiinta ugu miisaanka culus ee tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ololihii ugu danbeeyay caawa soo gabagabeeyay.
Ololaha oo socday galabta illaa fiidnimadii caawa ayuu musharaxa xaruntiisa kula kulmay xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka oo tiradoodu kor u dhaafeysay 100 xildhibaan.
Musharax Cosoble ayaa lasoo weriyay in balantii ugu dambeeyay uu la galay xildhibaanada uu la kulmay oo uu ka codsaday inay codkooda siiyaan, waxayna u balanqaadeen inay ku taageeri doonaan sidii madaxweyne dalka uga noqon lahaa.
Xildhibaanada ayaa sheegay in musharaxa aqoon dheeraad ah u leeyihiin, kuna garanayaan inuu yahay nin lagu yaqaano inuu hadalkiisa ka dhabeeyo, oo uu yahay shaqsi lagu yaqaan daacadnimo.
“Anigu waxaan rabaa inaan balan-qaado inaan noqonayo qofka ugu horeeyay ee Soomaaliya ku hogaamiya inuu ku taagnaado nidaamka iyo sharciga dalka u yaala, ee aan ku fakireynin inuu asagu maamulo guri walba, xafiis walba iyo Hay’ad kasta, Dadka Soomaaliyeed waa dhibsadeen Madaxweyne koox gaar ah ay leedahay, Madaxweyne dhowr qofood ay leedahay, waxaan rabaa inaan noqdo Madaxweyne Soomaali oo dhan u siman, taasina waan balan-qaadayaa..” ayuu yiri Musharax C/qaadir Cosoble oo la hadlay xildhibaanada.
Musharax Cabdulqaadir Cosoble oo dhinaca kale ah hogaamiyaha kooxda isbedel-doonka ayaa loo saadaalinayaa inuu guul weyn ka gaari karo tartanka doorashada ee Beri ka dhici doona Magaalada Muqdisho.