Monday, June 23, 2025

Musharax cusub oo kusoo kordhay tartanka Doorashada Madaxweynaha Galmudug & Waqti lagu kordhiyey…

Musharax cusub ayaa kusoo biiray tartanka doorashada Madaxweynaha Galmudug iyadoo saacidihii ugu danbeeyay muddo 24 saacadood ah lagu kordhiyey xilliga araaji qabashada musharixiinta u taagan xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Musharaxan cusub oo lagu magacaabo Axmed C/llaahi Samatar ayaa galabta sawirradiisa lagu arkay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo isla caawa uu iska diiwaangeliyey Guddiga Doorashada Baarlamaanka Galmudug, lana guddoonsiiyey shahaadada Musharaxnimo; waana musharixii labaad ee si lama filaan ah xilkan isugu soo sharxa, markii ay shuruudo ku xireen 4 musharax oo mucaarad ah.

Musharaxan Axmed C/llaahi Ahmed samatar ayaa la sheegay inay is xigaan wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya C/laahi Faarax Weheliye oo isbaheysi la leh Ahlu suna, isla markaana ay wadato dowladda Soomaaliya, iyadoo Musharaxa kale ee maanta la diiwaan geliyey Musharax Axmed Shire Falagle ay isaguna ay isku heyb yihiin musharaxa kale Cabdi Dheere, kaasoo ka mid ahaa taageerayaasha Musharax Qoorqoor.

Ad

Dhinaca kale Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa maanta muddo 24 saacadood ah ku kordhiyey xilliga is-diiwaan gelinta musharixiinta oo ku ekaa galabta.

Musharixiinta Axmed Shire Falagle iyo Abdulahi Ahmed samatar ayaa la filayaa inay la tartamaan Musharaxa ay dowladda Federaalkawadato ee Cabdi Axmed Kaariye (QoorQoor), doorashadaas oo noqon doonta mid hal dhinac ka rarran.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON