Saturday, April 20, 2024

Musharax ka maqnaa Shirkii lagu kala tegay ee Hotel Decale oo soo jeediyey in lasii wado wadahadalka

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo ka mida Midowga Musharixiinta, ahan afhayeenkooda ayaa soo jeediyey in lasii wado wadahadlaka Midowga iyo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta.

Musharaxan oo ka maqnaa shirkii ugu danbeeyay ee fashilmay, markii uu dibadda u safray ayaa soo diray farriin uu ku yiri: “Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisal wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro”.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Midowga Musharixiinta ay go’aan wadajir ah ku sheegeen in wahadalada ay u burbureen, kadib markii Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta uu awoodi waayey inuu go’aan qaato.

Ad

Muddooyinkii danbe waxaa shirarka Midowga Musharixiinta laga waayey xubno dhowr ah oo ka baxsan siyaasiyiinta saameynta leh ee Muqdisho kasoo jeeda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON