Sunday, June 29, 2025

Musharax Madaxweyne iyo Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka oo Geeriyooday

Wararka laga helayo dalka Faransiiska ayaa sheegaya inuu halkaasi ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 10-aad ee Federaalka, isla markaana ahaa musharax madaxweyne.

Prof. Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) oo ahaa aqoonyahan iyo siyaasi ayaa la xaqiijiyey inuu maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Paris ee dalal Faransiiska, kadib xanuun uu halkaasi u tegay.

Xildhibaan Gaandi ayaa hore u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga xukuumadii KMG ahayd, wuxuuna hadda ahaa xildhibaan iyo musharax ka tirsanGolaha Midowga Musharixiinta ee u taagay Doorashada.

Waxaa geeridiisa ka tacsiyadeeeyay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaan sidoo kale tacsi u diray Allaha naxariistee Professor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) mas’uuliyiin badan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON