Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kashifay inay Galmudug ka mid tahay maamul Goboleedyada tageeray muddo kororshiga Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Warar hore usoo baxay ayaa sheegayay in Galmudug aysan taageerin muddo kororsiga, laakiin kadib kulan adag oo xalay dhex maray Midowga Musharixiinta iyo madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa kusoo baxay xaqiiqada arrintan.
“Dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed yey la tashadeen markii ay go’aanka muddo kororsiga Farmaajo ku taageereen? bulsho rayad, waxgarad, Gole Wasiiro iyo Baarlamaan ma lahan miyaa? Mise dadkoodeey ka arkeen oo go’aanka iyagaa jeebka ku sita?” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo si weyn u weerarray saddexda maamul Goboleed ee taageersan Maxamed Farmajo.
Wuxuu difacay in Mushariixinta aya diidaan wadhadalkii uu ugu baaqay Farmaajo, una soo mariyey Qoorqoor iyo Guudlawe, isagoo yiri: “Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, kadibna hoggaamiye kooxeed noqday. Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa”.
