Wednesday, June 25, 2025

Musharax Madaxweyne oo sameystay Hal-ku-dhig la mida hal-heyskii Donald Trump [Waa kuma?]

Mid ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sameystay hal-kudhig la mida oraahdii uu ololihiisa Doorasho ku galay madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay inuu SOOMAALIYA MAR KALE KA DHIGAYO NABADGELYO, isagoo ka soo qalin daartay Donald Trump oo halheyskii ololaha Doorashada ahaa: MAKE AMERIA GREAT AGAIN.

Doorashadii Guddoonka Baarlamaanka, gaar ahaan guddoomiye ku xigeenka oo looga adkaatay Faarax Sheekh C/qaadir ayaa rajo weyn gelisay musharixiinta mucaaradka ah  ee xilka Madaxweynaha oo aamisan in iskaashi looga hortegi karo inaanu dib u soo laaban Xasan Sheekh.

Musharax Tarsan oo ah nin xamaasad badan isla markaana u hadla si qayaxan ayaanay dad badan saadaalineynin inuu ku soo bixi karo xilka madaxweynaha, laakiin waxaa jira dareen ah in arrimo la yaab leh inay dhici karaan oo xaaladda oo dhan wax ka bedela.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON