Friday, June 27, 2025

Musharax Madaxweyne oo sheegay in siyaasad argagixiso ah loo adeegsanayo Doorashada Soomaaliya

Mid ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqan siyaasadeed ku dhisan argagixiso uu ku sii xoogeysanayo Doorashada Soomaaliya.

Qoraal u muuqda inuu jawaab u ahaa warkii cuslaa ee madaxweyne Xasan sheekh kasoo saaray kiiskii Badda ee maxkamadda adduunka go’aanka ka gaartay ayuu Musharaxa Cali Xaaji Warsame ku sheegay in madaxda xilka heysa isu dayayaan wax waliba oo ay xilka ugu soo noqon karaan kuna sii wadan karaan xilka ay hayaan.

“Dhaqanka siyaasadda ku dhisan argagixisada ayaa si weyn u xoogeysatay Soomaaliya, waxayna isku dayayaan kuwa xilka haya wax waliba oo ay cudurdaar ugu heli karaan inay sii hayaan xilka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji Warsame ayaa ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha  Soomaaliya oo sida weyn ololaha uga wada baraha bulshada ku xiriirto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON