Musharax madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta mar kale yimid magaalada Muqdisho.
Shariifka ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ku maqnaa dalal dibadda ah oo ay ka mid yihiin Uganda, Kenya iyo Imaaraadka Carabta, waxaana uu Muqdisho isaga tegay saddex toddobaad kadib markii uu dib ugu soo laabtay 22kii September 2016, xilligaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay caasimadda.
Taageerayaal iyo mas’uuliyiin kooban ayaa maanta soo dhoweeyay Shariif Sheekh Axmed oo socdaalkiisii hore helay dadweyne aad u fara badan oo isugu soo baxay marxabeyntiisa.
Isagoo ka hadlay kadib markii uu garoonka Muqdisho ka soo degay ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu mar kale yimaado Muqdisho isagoo qeyb ka ah musharixiinta doorashada madaxweynaha u taagan.
Shariif Axmed ayaa dowladda waqtigeedu dhammaaday ku eedeeyay dib u dhaca faraha badan ee doorashada ku yimid, wuxuuna si toos ah cambaareyn ugu jeediyay dowladda Federaalka oo ka gaabisay howshii dastuuriga ahayd ee loo xil saaray.
Ololaha doorashada oo hadda rasmi u bilaabanaya ayaa lagu wadaa inuu Shariifku ka mid noqdo musharixiinta isku herdin doona.
Goobjooge.com