Monday, June 23, 2025

Musharaxa Dowladda ee Doorashada Galmudug oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xukuumada Somaliya.

Wasiir Dowlihii Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumada Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda Soomaaliya.

Musharax Qoorqoor ayaa si weyn loo rumeysan yahay inuu yahay musharaxa ay wadato dowladda Soomaaliya ee u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, iyadoo uu taageero ka heysto xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Musharaxan taageerada ka heysta dowladda Soomaaliya ayaa wajahaya loolan adag oo uga imaanaya musharaxyo taageero ka heysta xisbiyo iyo kooxaha mucaaradka dowladda sida C/raxmaan Odowaa iyo Musharaxa kale Kamaal Guutaale.

Ad

Tartanka ololaha doorashada xilalka ugu sareeya ee Galmudug ayaa hadda uun bilowday, kadib lix bilood oo ay soo jiitameysay dib u heshiisiinta maamulka kala tegay ee khilaafaadku ragaadiyey.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON