Monday, July 14, 2025

Musharaxa Dowladda Somalia ee Doorashada K/Galbeed oo taageeray Ciidamada la geeyay Baydhaba

Musharax Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ah musharaxa ay taageereyso dowladda Federaalka ayaa si buuxda u taageeray ciidamada dowlada Federaalka u dirtay magaalada Baydhaba, isagoo sheegay inuu dalbaday maamulka K/Galbeed.

Musharaxan oo ay si kulul u weerarray xildhibaannada Federaalka ee ku sugan magaalada Baydhaba, kuwasoo ka horjeeda qorshaha dowladda Soomaaliya ka damacsan tahay doorashada K/Galbeed, isagoo u sheegay inaysan Baydhaba u soo rarrin murankii iyo qeyladii kala dhaxeysay dowladda Federaalka.

“Xildhibaanada federaalka ma aha cidda wax dooraneysa, Shaqadooda federaalka ha qabsadaan xaqii Maamulka K/Galbeed ha soo dhiciyaan…  Xildhibaanada Federaalka maaha  in dagaalkii & buuqii ay Xamar ku hayeen yaysan usoo rarran Baydhabo” ayuu yiri C/casii Lafta-gareen.

Musharaxan ayaa culeys weyn kala kulmaya  wadaadka Mukhtar Roobow oo taageero weyn ka helay bulshada K/Galbeed, iyadoo dadaalka ay ku jirto dowladda Federaalka loo arko in ujeedkeedu yahay sidii uu doorashada ugu soo bixi lahaa musharaxooda C/casiis Lafta-gareen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON