Musharaxa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmuduf Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa soo dhoweeyay, hambalyana u diray xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug, kuwaasoo maanta ay soo saareen Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug.
War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxa ayaa u sheegay xildhibaannada inuu u taagan yahay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, isla markaana uu si qadarin iyo xushmad leh uga codsanayo inay codkooda iyo kalsoonidooda siiyaan, isagoo ballan qaaday inuu daacadnimi iyo hufaan ku shaqeyn doono.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA.