Waxaa socota doorashada wareega labaad ee Kursiga Xildhibaannimo ee Golaha Baarlamaanka magaalada Jowhar, iyadoo ay isugu soo haraan laba musharax.
C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareega ka helay 24 cod, halka Musharax kale ee loolanka aan la fileyn kula jira ee Nuur Iidow Beyle uu helay 23 cod, waxaana labadan musharax lagu kala saari doonaa wareegada labaad.
Sanbaloolshe oo dadaal ugu jira iskiis ah ugu jira inuu dib u hanto kursigisii, halka Madaxtooyada Soomaaliya ay wadatao Nuur Iidow Beyle oo horay kursigan ugu fadhiyay Baarlamaankii 9aad, balse soo geli waayay baarlamaankan cusub, waxaana lacag fara badan lagu bixiyey kursiga, iyadoo lacag ka badan 10-kun doolar ergo kasta looga iibsaday codkiisa.
Codadka lagu dagaalamayo ayaa ah saddex cod oo xumaatay, kuwaasoo guusha cid siin kara, waxaana labada nin ay yihiin kuwo aad isugu dhow. Waxaana ugu dabeyn ku guuleysay Nuur Iidow Beyle.