Sunday, July 6, 2025

Musharaxa Shariif Xasan oo qarka u saaran inuu ku guuleysto Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka

Musharaxa uu wato madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa qarka u saaran inuu ku guuleysto xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

C/weli Ibraahim Muudey oo taageero  ka helaya Shariif Xasan horena u ahaa gacanyaraha Shariifka ayaa u muuqda inuu ku soo bixi doono xilkan, kadib markii uu helay taageerada beelo iyo kooxo kala duwan oo diidan in Faarax C/qaadir ay awood ku yeeshaan Baarlamaanka.

Ololaha Shariifka waxaa aad uga weynaaday taageerada uu C/weli Muudey ka helayo mucaaradka madaxweyne Xasan Sheekh, taasoo laga yaabo inay salfato Faarax Sheekh C/qaadir.

Shariif Xasan oo  ka haray musharaxnimada madaxweynaha kadib fashilkii musharixiisa C/rashiid Xiddig ayaa hadda u muuqda inuu ku ciil bixi doono guusha la filayo.

Dad badan ayaa saadaalinaya haddii aanay mucjiso kale dhicin in arrinta oo dhami u muuqato inuu xilkan ku soo bixi doono C/weli Muudey, waxaase laga deyrinayaa in guddoonka baarlamaanka uu noqon doono mid dhexdiisa isku mashquula marka ay isku jiiraan siyaasadaha iska horjeeda oo Jawaari iyo Shariif Xasan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON