Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre Musharax Madaxweyne ayaa hambalyo u diray sanadguurada 3-aad ee markii uu xilka qabtay madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
“Waxaan Shacabka iyo madaxweynaha Dowlad Goboleedka K/Galbeed Soomaaliya ugu hambalyeynayaa saddex guurada ka soo wareegtay markii madaxweyne loogu doortay Dowlad Goboleedka K/Galbeed mudane Laftagareen. Muddadaas waxay K/ Galbeed ku tallaabsatay horumarro dhinacyo badan leh” ayuu qoraalkiisa hambalyada ah ku yiri Xasan Kheyre.
Caawa ayaa magaalada Baydhaba looga dabaaldegayaa xafladda sanadguurada Madaxweynaha K/Galbeed oo doorasho muran ka dhashay kusoo baxay, waxaana Baydhaba ku sugan madaxda Puntland, Galmudug, Ra’iisal wasaaraha iyo xubno kale.

