Thursday, July 17, 2025

Musharixii C/weli Gaas oo ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Doorashadii guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka socota xarunta Baarlamaanka ee magaalada Garowe, waxaana soo dhamaaday wareegii koowaad iop labaad iyadoo natiijadii ay noqotay sida soo socota:

Natiijada Wareega kowaad

  1. Xildhibaan Siciid Surcad   3 Cod
  2. Dhoobo dhaareed               19 Cod
  3. Axmed Cali Xaashi             40 cod

Guddiga doorashad aya sheegay inay 2 cod ayaa xumaaday.

Sidaas darteed ayaa wareega labaad waxaa isugu soo haray Axmed Cali Xaashi iyo Dhoobo Daareed, waxaana wareegii labaad oo ay ku loolameen labada musharax  ee C/xakiin Dhoobo daareed  iyo Axmed Cali Xaashi   natiijadiisii noqotay inuu ku guuleystay Gudoomiyha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi oo Helay 41 Cod, halka musharixii Dhoobo Daareed ayaa helay 22 Cod sidaasna waxaa xilka Gudoomiyaha saddex sano ee dhiman haynaya xilka Axmed Cali Xaashi oo horay u soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka sanadihii 2005 ilaa 2009.

Musharax Dhoobo Daareed ayaa ugu hambalyeeyey xilka uu ku guuleystay Gudoomiyaha aarlamaanka Axmed Cali Xaashi wuxuu sheegay in dadaal uu suubiyey balse uusan noqon musharax guuleysta siyaasadiisa ayuu xusay in uu sii laba jibaari doono hanka ku jirana uu sugayo xiliga uu u rumoobayo.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in uu uga mahadcelinyo dhaman xildhibaanada codka bixinayey isagoo sigaar u hambalyyeyey xildhibanada codka siiyey, Wuxuu sheegay in shaqada loo doortay uu u gudan doono si daacad ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON