Wednesday, June 25, 2025

Musharixii Dowladda Somalia oo ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed.

Baarlamaanka labaad ee Maamulka K/Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhoweyd doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaankaasi, kadib Doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba.

Xildhibaannada kulanka kasoo qeyb galay ayaa gaaraye 93 Xubnood oo ka tirsan, waxayna u kala coddeyeen musharixiinta u tartamayey xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo kala ahaa Dr. Cali Saciid Fiqi iyo Maxamed C/raxmaan, waxaana sidii la filayey ku guuleysay Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo helay 83  Cod, halka musharixii kale uu heley 2 cod oo qura, waxaana xumaaday 8 Cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqey in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ku guuleystay xildhibaan Cali Saciid Fiqi.

Danjire Cali Siciid Fiqi ayaa ahaa musharaxa ay wadato dowladda, siiba madaxweyne Farmaajo oo uu saaxiib dhow la yahay iyo la-taliye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON