Sunday, June 22, 2025

Musharixii Kulmiye oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa goor dhoweyd doortay Guddoomiye cusub, kadib markii uu xilkaasi iska casilay Guddoomiyihii hore Cabdirasaaq Khaliif Axmed.

Codeyn loo qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, iyadoo uu la tartamay Musharaxa mucaaradka ee Xildhibaan Maxamed Khadar.

Guddoomiyaha cusub ayaa helay 46 cod oo ay guusha ku raacday, isagoo noqonaya guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland, halka musharixii mucaaradka ee Maxamed Khadar uu ka helay 35 cod.

Ad

Guddoomiyaha cusub ayaa isbaheysi la leh Xisbiga talada haya ee Kulmiye, isagoo ka mida ururka Kaah oo ka mida ururrada Musue Biixi taageero, taasoo ka dhigan in Madaxweynaha Somaliland uu helay taageero weyn oo uu mucaaradka uga guuleystay guddoonka Golaha Wakiilada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON