Friday, July 4, 2025

Musharixii labaad oo shaaciyey inuu u taagan yahay Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

Halis soo wajahday Qorshihii C/casiis Lafta-gareen iyo Farmaajo ku doonayeen inay ku maamulaan xildhibaannada K/Galbeed

Musharixii labaad ee kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa shaaciyey inuu u taagan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu maanta qaatay shahaadada Xildhibaannimo ayaa sheegay inuu u tartamayo xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Golaha shacabka.

“Safar dheer kadib waxaan maanta soo qaadanay Shahaadadii iyo Aqoonsigii Xildhibaannimo… Waxaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xildhibaannada u caddeynayaa inaan u taaganahay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed inay qaataan shahaadada Aqoonsiga Xildhibaanimo” ayuu yiri Musharax Shariif Maxamed Cabdalla.

Hore waxaa u shaaciyey inuu u sharxan yahay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo xilkaasi hore uga soo qabtay dowladii KMG ahayd.

Arrintan ayaa fashil iyo dhabarjab ku ah qorshihii Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen ku doonayey inuu isagu maamulo codka xildhibaannada xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed iyo nuu gorgortan ku galo codadkaasi, isagoo isbaheysi la leh Maxamed C/llaahi Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON