Friday, July 18, 2025

Musharixii ugu horeeyay ee xilka madaxweyne oo bilaabay ololihiisii rasmiga ahaa [Waa kuma?]

Musharixii ugu horeeyay ee xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilaabay ololihiisa xilka madaxweyne.

Kooxda ololaha Madaxweynaha xilka sii haya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laba goobood oo waaweyn ka sameeyay Muqdisho halkaasoo ay ka socon doonaan  howlaha ololaha doorashada ee musharaxan.

Goobahan oo ku dhow Madaxtooyada waxay fadhi u noqon doonaan xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka oo halkaasi lagu soo dumi doono si ay u taageeraan dib u doorashada Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulamadii ugu horeeyay waxaa goobaha ololaha musharax Xasan Sheekh iska xaadiriyay ilaa 70-meeyo xildhibaan, waana musharixii ugu horeeyay ee tallaabadan qaada inkastoo xilliga doorashada Madaxweynaha aan weli la ogeyn, isla markaana laga cabsi qabo in dib u dhac kale ku yimaado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON