Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuleystay doorashadii kursi xildhibaan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.
Cabdulaahi Faarax Weheliye ayaa ku guuleystay doorashadii kursigii xildhibaan ee Golaha Shacabka oo uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Bootaan Ciise Caalin. Wasiiry dowle Wehliye oo taageeroka heystay Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa ku soo baxay wareegii koowaad.
Doorashada ayaa codeyntii koowaad wuxuu helay C/llaahi Faarax Weheliye 28 cod, halka musharixa Maxamed Cilmi Afrax uu helay 17 cod, Cabdulaahi Faarax Xirsi ayaa isna helay 3 cod, waxaan halaabay 3 cod.
Arrintan ayaa ka dhigan in ay sii kordheen xildhibaannada wasiirada ah ay sii kordheen ee ka mida golaha wasiirada.