Sunday, July 13, 2025

Musharixiin ay wadato dowladda Federaalka oo Baydhaba la tegay Gawaarida aanay xabbadu karin

Waxaa magaalada Baydhaba gaaray Laba gaari oo ah nooca aanay xabaddu karin oo laga diyaarad gaara ay ka qaaday Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Baabuurtan ayaa waxaa qaaday diyaarad lasoo kireeyay oo xamuul, iyadoo wararku sheegayaan inay adeegsan doonaan laba musharax  oo u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasoo la sheegay inay tageero ka heystaan dowlada Federaalka.

Labadan musharax ayaa kala ah wasiirka Tamarka C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Agaasimihii hore ee Nabadsugidda Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus), waxaa kaloo diyaraadda la socday ciidamo iyo baabuur nooca Cabdi billaha ah.

Wasiir C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa la sheegay inuu yahay musharaxa  rasmiag ah ee ay wadato dowladda Federaalka, waxaana la filayaa inuu dhowaan iska casilo xilalka Wasiir iyo Xildhibaan ee uu isku hayo inkastoo loolan adag uga imaan doono Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo lagu wado inay dhacdo 17-ka bisha November ayaa lagu ogaan doonaa guusha iyo fashilka madaxda dowladda Federaalka oo go’aansatay inay ka hor timaado Shariif Xasan.

Diyaraadda xamuulka e e lagu qaaday Gawaarida iyo ciidamada tegay Magaalada Baydhaba

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON