Wednesday, June 25, 2025

Musharixiin badan oo laga waayay Doodwadaagii & Xiriiriyaha dooda oo la bedelay

Doodwadaagii musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa ka bilaabtay magaalada Muqdisho iyadoo aysan soo xaadirin musharixiin fara badan oo ku qornaa wejiga koowaad ee Dooda.

11 Musharax ayaa la filayay inay ka qeyb galyaan dooda qeybteeda koowaad, iyadoo loo qorsheeyay inay socoto muddo laba saacadood ah, laakiin waxaa dhacday inuu dib u dhac ku yimaado muddo hal saacadadood ah.

Waxaa kaloo dhacday in 8 musharax oo ku qornaa dooda ay ka baaqsadeen inay iska xaadiriyeen Dood oo markii dambe ay dadaal u galeen isla markaana dalbadeen inaan la laalin musharixiinta mucaaradka ahaa.

Musharaxiinta goobta ku sugan waxaa ka mida:

1 – Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

2- Axmed Maxamed Cabdi

3- Bashiir Raage Shiiraar

Lama oga sababta keentay inay musharixiin intaas la eg laga waayo doodwadaagii muranka badan ka dhashay oo dib loo soo celiyay.

Dhinaca kale waxaa la bedelay xiririyihii Dooda oo hore loogu magacaabay Prof. Cumar Adaan Qaadir, iyadoo uu xiriiryaha cusub uu noqday  Weriye Yuusuf Xasan Mursal oo hore uga soo shaqeeyay BBC-da laanta Afsoomaaliga

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON