Sunday, June 22, 2025

Musharixiin caan ah oo u heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh [Warbixin iyo Sawirro]

Saddex Musharax oo ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa kulan gaara ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Musharaxa Shariif Sheekh Axmed ayaa soo qabanqaabiyay kulanka iyadoo ay kala qeyb galeen musharixiinta kala ah: Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo C/qaadir Cosoble Cali.

Kulanka saddexda Musharax oo gaar ahaa ayaa wararku sheegayaan in looga hadlay xaalada Doorashada dalka iyo isbaheysi dhex mara musharixiinta ka horjeeda madaxweynaha xilka haya ee Xasan Sheekh.

Ad

Shariif Axmed ayaa soo jeediyay in musharixiinta ka soo jeeda Beesha Muddulood ay midoobaan, isla markaana midkii ugu codka badan ay taageeraan Doorashada si meesha looga saaro, loogana adkaado Xasan Sheekh, taasoo ay isku waafaqeen.

Kulan kan la mida ayaa hore u waxaa u soo qabanqaabiyay musharax C/qaadir Cosoble, iyadoo ay ka qeyb galeen 5 musharax, waxaama sii xoogeysanaya ololaha doorashada madaxweynaha oo noqon doona kan ugu adag.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON