Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliy, ahaana musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa taageeray musaharaxnimada xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.
Xaflad qado ah oo uu soo qaban-qaabiyay Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geedi oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, hogaamiye Dhaqameedyada Beesha Mudulood, siyaasiyiin iyo Haween ayuu kaga dhawaaqay inuu musharaxnimadii uu u taagnaa ee Jagada Madaxweynaha uu uga tanaasulay Musharaxa kale Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xubnaha safka hore uga jira tartanka doorashada ee la filayo in la qabto 8-da bisha February.
Prof. Cali Geedi oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka in aaney Soomaaliya dib ugu soo celin afartii sanno ee lasoo dhaafay, islamarkaana ay doortaan hogaan ka saari kara dalka dhibaatooyinkii laga dhaxlay dowladda uu waqtigeedu dhamaaday, wuxuuna xusay in Musharaxa uu u tunaasulay ee Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble uu u arko inuu yahay kan ugu haboon ee hogaamin kara isbedelka cusub ee Soomaaliya, isagoo weliba ka codsaday iney codkooda siiyaan.
Raysal Wasaarihii hore, Cali Maxamed Geedi ayaa dhinaca ugu baaqay dalalka deriska la ah Soomaaliya ay faraha kala baxaan arrimaha doorashooyinka iyo hadba cidda ay Soomaalidu dooneyso iney hogaankeeda u doorato, isagoo weliba ku dhiirigeliyay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka in aan lagu qasbi Karin musharax ay u arkaan inuusan ka istaahilin iney u dhiibtaan hogaanka dalka.
Dhinaca kalena, Musharax xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble ayaa ka sheegay xafladaasi oo ka dhacday Magaalada Muqdisho in haddii xilka uu u taagan yahay uu ku guuleysto uu xaqiijin doono in ciidamadda ammaanka ay heli doonaan xaquuqdooda, sidoo kalena ay dowladiisu kafaali qaadi doonto nolosha qoysaska ciidamadaasi marka ay naftooda u huraan Qaranka Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in aaney jiri doonin in koox gaar ah ay is laheysiiso madaxweynaha iyo Madaxtooyada Soomaaliya.
“Ma dhici doonto in xildhibaan uu xildhibaan kale u maro si uu madaxweynihiisa ula kulmo sida aynu soo aragnay” ayuu yiri Musharax Cosoble Sidoo kale, waxaa xafladaasi hadalo soo dhoweyn iyo duco isugu jira kasoo jeediyay Imaam Maxamuud Yuusuf, Iimaamka Beesha Abgaal iyo Ugaaska Beesha Moobleen, Ugaas Cabdulaahi Ugaas Saalax, iyadoo xubnihii kale ee metelayay labada Aqal ee Baarlamaanka oo qaarkood goobtaasi ka hadlay ay isku raaceen in Soomaaliya u baahan tahay isbedel iyo hogaan cusub.