Musharixiin iyo Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoo taageeraya odayaasha diidan shirka Jowhar.
Xubnaha tegay magaalada Beledweyne waxaa ka mida: Maxamed Axmed Nuur (Tarsan), C/raxmaan C/shakuur, C/raxmaan Baadiyow, xildhibaan C/llaahi Goodax Barre iyo xubno kale.
Odayaal iyo dadweyne ayaa wafdiga ku soo dhoweeyay magaalada Beledweyne, waxayna wadahadal ugu tageen Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo xaruntiisa ay kulan kula qaateen.
Socdaalka siyaasiyiinta iyo musharixiinta tegay magaalada Beledweyne ayaa ujeedkoodu yahay inay taageeraan odayaasha diidan shirka Jowhar, isla markaana lagu fashiliyo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo hadda loo fadhiyo Jowhar.
Goobjooge.com