Sunday, July 13, 2025

Musharixiinta oo ku Dhawaaqay Bannaanbaxyo lagu dalbanayo inuu xilka banneeyo Farmaajo

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay bannaanbax Nabadeed oo Jimcaha ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dalbanayo Doorasho dalka ka dhacda inuu xafiska banneeyo madaxweynaha xilligiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Midowga Misharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in muddo xileedkiisa dowladda uu dhammaaday, iyadoo waqtigu socdo, isla markaana Farmaajo oo muddo 6 maalmood ah oo sharci darro ah xilka ku sii hayo.

Sheekh Shariif ayaa ku dhawaaqay bannanbaxa Maalintii lixaad oo Madaxweynaha xilkiisu dhammaday uu si sharci darro ah ku joogo Villa Soomaaliya, iyadoo aanay muuqan wax doorasho ah iyo heshiis midna.

“Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxay go’aansadeen in bannaanbax laga sameeyo magaalada Muqdisho maalinta Jimcaha oo looga horjeedo xaaladda Doorasho la’aanta ah, laguna dalbanayo dalkan in dariiqaii saxda ahaa lagu soo celiyo” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Musharaxiinta Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa iyaguna sheegay in bulshada Muqdisho ay bannaannbaxa nabadeed ku muujineyso xaqeeda Dastuuriga ah iyo sida ay u diidan tahay in Doorasho la’aan xukunka la iska sii heysto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON