Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mida musharaxiin og inaysan haba yaraatee lahayn wax fursad ah, hadda gaaray heerka ugu danbeeya ee tartanka.
Qaar ka mida musharaxiintaasi waxaa u diidaya inay xilkan qabtaan awood qeybsiga beelaha ku dhisan ee jagooyinka sare, waxaana lagu tilmaami karaa kuwo u bareeray inay Bacaad Dooni ku wadaan.
Saciid Ciise Maxamuud
Dr. Saciid Ciise Wa aqoonyahan wax ku baray dalka iyo dibadda oo heysta shahaadada PHD, isla markaana ku cusub siyaasadda, dadaalkiisa ma xuma, isagoo khudbadiisuna ahayd mid qoran oo uu xaraf – xaraf u akhriyay. Sidaasoo ay tahay Aqoonyahankan kuma jiro mushariaxiinta la xisaabinayo ee xitaa wax cod ah loo rajeynayo.
Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud
Wuxuu wax ku bartay dalka Mareykanka, isagoo la soo shaqeeyay Qaramada Midoobay iyo bulshada rayidka ah, wuxuuna isu soo taagay xilka madaxweynaha oo uu rajeynayo inuu siyaasadda Soomaaliya kursiga ugu sareeya qabto.
Musharax Maxamed C/risaaq Maxamuud Abubakar rajadiisu waa mid hoose, waxaana qariyay siyaasiyiinta fara badan ee ololaha ku jira, iyadoo la oran karo rajo aan jirin ayuu isu sharxay.
C/llaahi Ciilmooge Xersi
Wuxuu soo noqday wasiir, wuxuu aasaasay xisbi, wuxuuna si weyn uga dhex muuqda ololeyaashii doorashada Jubba iyo kan madaxweynaha Soomaaliya ee xilligan, laakiin xaaladda awood qeysiga siyaasadeed ee dalka ayaa u diideysa inuu u dhowaado guul doorasho, waxaana musharaxnimadiisa ay tahay mis mustaxiil ah oo aan suuragal ahayn.
Xaaji Maxamed Yaasiin
Waa markii saddexaad ee uu xilkan u tartamo, wuxuuna laba jeer oo hore soo galay tartanka madaxweynaha. Doorashadii Mbaghati ee C/llaahi Yuusuf ku guuleystay wuxuu Xaaji Maxamed Yaasiin helay hal cod. Sidaas kuma harine wuxuu haddana is sharxay Doorashadaii 2012 oo sidoo kale uu laba cod helay iyo doorashadan oo uu haddana isa soo sharxay. Dad badan ayaa is weydiiyay sababta Xaaji Yaasiin kharash iyo waqti ugu bixiyo doorasho kasta isagoo og inaanu fursad lahayn.??
Axmed Maxamed Cabdi
Axmed Maxamed Cabdi (Malaadiini), waa musharax ka soo jeeda gobollada Waqooyiga Soomaaliya oo aan ka mid ahayn beelaha xilkan qeybta u leh, waxaana uu muddo badan ka shaqeynayay dalka Imaaraadka Carabta oo uu sirdoonkeeda ka mid ahaa. Lama oga ujeedada uu xilkan isugu sharxay oo aan ahayn inuu doonayo is muujin iyo caan bixid.
Maxamed cali Jabarti
Axamed Axmed Jabarti waa ninka ugu qosolka badan uguna yaabka badan ee ku dhex jira musharixiinta, wuxuu bixiyay kharash badan oo tabartiisa ka weyn, wuxuuna isu bandhigay inuu yahay musharax shacbiyad leh oo qosol badan ka keenay xildhibaanada, kadib markii uu balanqaadyo aan macquul ahayn soo bandhigay.
Zakariye Maxamuud Xaaji
Waa wasiir hore dowladii Carte ee C/qaasim iyo siyaasi caan ah oo dhowaan xildhibaan ka noqday baarlamaanka cusub isagoo lagu doortay magaalada Garowe. Aftahanimadiisa iyo khibradiisa siyaasadeed uma horseedi karto jagada uu u tartamayo taasoo isaguna og yahay sida doorashadii 2012 ayaa lagu wadaa inuu codkiisa ama mid kale ka helo wareega koowaad.
ISKU DUBA RIDKII: GOOBJOOGE.COM