Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka degaya musharixiintii ugu badnaa ee xilka Madaxweynaha, iyadoo si weyn looga dareemay caasimadda soo dhoweyntooda.
Dadweyne fara badan, Mas’uuliyin iyo qeybaha bulshada ayaa buux dhaafiyey wadadda tagta Garoonka diyaaradaha, Garoonka iyo agagaarkiisa, waxaana taageerayaasha ugu badan ay ka socdaan mushariixinta Xasan Cali Kheyre iyo Daahir Maxamuud Geelle.
Musharixiinta la socda Diyaaradda ka imaaneysa magaalada Nairobi ayaa waxaa ka mida Ra’iisal wasarihii hore Xasan Cali Kheyre, Daahir Maxamuud Geelle, C/raxmaan C/shakuur Warsame, C/qaadir Cosoble iyo Xuseen Cabdi Xalane iyo Musharixiin kale oo dhowr ah.
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saaka ku jira jawi soo dhoweyn, iyadoo maalmaha soo socda la filayo inay gasho jawi doorasho, kadib soo laabashada musharixiinta xilka Madaxweynaha ee ugu miisaanka culus.
Soo dhoweynta ugu weyn waxaa lahaa Xasan Kheyre oo socod ku maray inta u dhaxeysa garoonka iyo xaruntiisa Doorashada oo ku dhow Garoonka, waxayna taageerayaashiisu sameeyeen dhoolatus soo-dhoweyn oo weyn.



