Muuqaal uu faafiyey Trump oo halis geliyay Amniga Ilhan Cumar & ciidamo gaara oo loo sameeyay

- Advertisement -

Waxaa mar kale si weyn looga hadal hayaa dalka Mareykanka dood ka dhalatay haweeneyda Soomaaliga ah ee kamida Koongareeska Mareykanka Ilhaan Cumar oo weerar uu ku qaaday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Muuqaal dib loo habeeyay ku saabsan qaraxyadii 11-ka Septembar oo la dhex geliyay hadalka Ilhaan Camar uu ku faafiyey Trump boggiisa twitterka, si loogu muujinay inay weerarkasi raali ka tahay ama aysan dan ka gelin; taasoo dhalisay in si weyn loogu cambaareeyo muuqaalkaasi oo la sheegay inuu ahaa mid halis gelinaya nolosha Ilhaan Cumar oo muuqaalkaasi loo fasirtay inay raali ka tahay ama yareysatay weerarradii 11-ka September ee Mareykanka lagu qaaday, laakiin muuqaalka uu faafiyey Trum ayuu ku dul qoray ‘MARNA MA ILOOBI DOONO’.

- Advertisement -

Ilhaan Cumar ayaa lagu heystaa inay tiri “Qaar ka mida dadka ayaa sameeyay arrin” iyadoo ula jeeday weerarradii 11-ka Septtmber xilli ay khudbad ka jeedisay Golaha Muslimiinta Mareykanka, waxaana markaas kadib weerarro uga yimaadeen xubo xag jir ah oo ka mida xisbiga jamhuuriya, waxaana dadka qaarkii ay shaki geliyeen inay Mareykan dhaba tahay iyo in kale.

Ilhaan waxa isbarbar taagay mudanayaasha Dimoqraadiga, siyaasiyiin waaweyn ee dadka magaca leh oo Madaxweyne Trump ku eedeeyay inuu faafiyo naceyb ka dhan ah Ilhaan, isagoo kusoo jeedinaya dadka xagjirka ah.

Qoraal ay soo saartay Ilhaan ayay ku sheegay in kadin muuqaalkii uu faafiyey Trump ay heshay farriimo fara badan oo loogu hanjabayo, nolosheeduna ay halis ku jirto, waxaana markaas kadib loo sameeyay ciidamo gaara oo ammaankeeda suga iyada, shaqaalaheeda iyo qoyskeeda.

Ilhan Omar

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Dimoqraadiga Nancy Pelosi ayaa is garab taagtay Ilhaan Cumar, waxayna Trump ugu baaqday inuu boggiisa ka saaro muuqaalka dadka ku boorinaya naceybka oo halis ku ah nolosha qof ka mida Koongareeska Mareykanka.

Ilhan Omar iyo Nancy Pelosi

Aqalka Cad ayaa isna soo saaray war uu ku beeniyay in madaxweyne Trump uu muuqaalka uga dan lahaa inuu abuuro cadaawad iyo naceyb, waxayna arrintan kala qeybisay dadka Mareykanka.

Magaalooyin badan oo Mareykanka ka tirsan iyo baraha bulshada ayaa waxaa ka socda olole lagu taageerayo Ilhaan Cumar oo weerarro joogto ah kala kulmeysa Trump iyo xisbiga Jamhuuriga.

Trump ayaa haddana daqiiqo ka hor u jawaabay guddoomiyaha Aqbaliyadda Koongareeska Nancy Pelosi, isagoo ku eedeeyay inay waxba ka qaban weyday ereyadii Yuhuud naceybka ee ay jeedisay Ilhaan Cumar.

- Advertisement -

WARARKA MAANTA

error: Content is protected !!