Tuesday, June 24, 2025

Muuqaalka Cusub ee Magaalada Muqdisho: Xaafado muhiim ah oo ka baxay gacanta Dowladda

Xaalada caasimadda Muqdisho ayaa degan saaka, kadib iska hor imaadyo iyo dagaallo culus oo xalay ka dhacay degmooyin iyo xaafado dhowr ah.

Dagaalka ayaa xalay istaagay markii ciidamada dowladda laga qaaday goobihii ay kula dirirrayeen ciidamada gadoodsana ee ka horjeeda muddo kororsiga Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuwaaso taabacsan musharixiin iyo saraakiil qaadacday muddo kororsiga.

Goobaha lagu dagaalamay ayaa kasoo bilowda, Isgoyska Sanca, Isgoyska Mirinaayada, inta u dhaxeysa Isgoysyada Km4 iyo Trebuunka iyo Isgoysyada Dabka Dabka, taasoo ka dhigan inuu dagaalku saameyn ku yeeshay ilaa 7 degmo oo ka mida magaalada Muqdisho.

Dhammaan goobaha lagu dagaalamay waxaa ku sugan ciidamada gadoodsan ee ka hor yimid muddo kororsiga Maxamed Farmaajo, waxayna xirteen xaafado muhiim ah oo qaarkood aad ugu dhow yihiin Madaxtooyada Soomaaliya.

Caasimadda waxay saaka yeelatay muuqaal cusub oo ah inay u kala xiran tahay ciidamo kala duwan, waxaana lagu arkayaa goobo muhiim ah in la dhigay jid-gooyo iyo carro tuur ay dhufeyso ka dhigteen ciidamada ka horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

Inkastoo dadaallo kala duwan ay wadaan xubno isugu jira Odayaal, Sanatooro, madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Galmudug si xaaladda loo qaboojiyo ayaa haddana laga cabsi qabaa in xaaladu wax yar isku bedeli karto.

Ma muuqato in Maxamed C/llaahi Farmaajo ka tanaasulayo muddo kororsiga uu dalku ku geliyey qalalaasaha oo wax badan looga digay, wuxuuna dhegaha ka fureystay dhammaan baaqyadii beesha Caalamka iyo Soomaalida ee ahaa in Muddo kordhintu ay Soomaaliya dib ugu celineyso dhibaato laga soo gudbay.

Qalalaasaha Muqdisho oo kusoo beegmay xili Ramadaan ah, dadkuna u diyaar garoobayaan Ciidul fitriga ayaa dhaawac kale ku ah ganacsatada magaalada iyo dadweynaha hore ugu dhibaateysanaa xaaladda adag ee dhaqaale.

Saameynta ay yeesheen dagaaladdii shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho waxaa kaloo ka mida in la hakiyey waxbarashadii Jaamacadaha iyo Iskuullada qaarkood, waxaana xaafadaha magaalada qaar ka mida ay noqdeen koronto la’aan, maan jirto cid ka hadleysa qasaaraha ka dhashay iska hor imaadyadaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON