Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay sanad-guurada 18-May ee gooni-u-goosadka maamulkiisa ayaa sheegay inaysan wax wadahadal ah la geleynin dowladda Xamar inta ay u aqoonsan yihiin Gobollada Waqooyi.
Muuse Biixi ayaa ku adkeystay in haddii la doonayo wadahadal dhab ah oo dhexmara Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, ay marka hore shardi tahay in sidii laba dowladood oo deris ah loo wadahadlo, balse aan laga hadlin wax kale mar haddii la yahay laba dowladooda sida uu yiri.
“Wixii khilaaf ah waa in lagu dhammeeyo wadahadal, haddii la doonayo in la wadahadlo waa in marka hore la aqoonsado inaanu kala nahay laba dal… inta ay leeyihiin Gobollada Waqooyi wadahadli meyno.. Si cad oo dheer ayaan idinku sheegaynaa kala go’ mooyee wax kale ka hadli meyno.. arrinta labaad ee lagu kala bixi karo waa inaan Maxkamad Caalami ah arrinteena geysano…” ayuu yiri Muuse Biixi.
