Musharaxa Xisbiga talada haya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Somaliland oo qabsoontay 13-kii November 2017.
Muuse Biixi oo tartanka ugu adag la galay musharaxa xisbiga Wadani ee mucaaradka ayaa lagu dhawaaqay inuu noqonayo madaxweynaha la doortay ee shanaad ee Somaliland ay yeelato. Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi uu helay 55.19%. Halka Xisbiga Waddani ee uu murashaxa u ahaa Cabdiraxmaan Cirro uu helay Somaliland waxa uu helay 40.73%, halka xisbiga UCID uu helay 4.17%.
HOOS KA AKHRISO TAARIIKH NOLOLEESHA MUUSE BIIXI CABDI
Muse Biixi Cabdi wuxuu ku dhashay miyiga Hargeysa 1948. Wuxuu waxabarashadiisii Quraanka, dugsiga hoose iyo dhexeba uu ku qaatay magaalada Hargeysa. Dugsiga sare ee Cammuud ee Borama ayuu ka qalin jebiyay 1970-kii. Kadib wuxuu ku biiray ciidamada cirka ee Soomaaliya. Sanadihii 1970 illaa 1973, wuxuu tababar sarkaalnimo ku qaatay Midowgii Soviet.
Markii uu ku soo noqday dalka, wuxuu ka hawlgalay saldhigyadii ciidankii cirka ee Balli-doogle, Baydhabo iyo xaruntii dhexe ee ciidankaasi ee Muqdisho. Muuse Biixi Cabdi wuxuu 1981 ilaa 1982 tababar ku qaatay saldhigga milliteriga Mareykanka ee gobolka Ohio kaas oo lagu magacaabo “Dayton Air Base”.
Korneyl Muse biixi Cabdi ayaa sidoo kale tababar ku qaatay Akadeemiyada gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ee lagu magacaabo “Fort Lee”, sanadihii 1983 illaa 1985.

Muse Biixi Cabdi, markan kuma noqon Somaliya ee wuxuu toos uga degay Ethiopia 5 May sanadkii 1985. Wuxuu ku biiray jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay dawladdii Maxamed siyaad Barre.
Korneyl Muse Biixi oo ka mid ahaa taliyayaashii ugu magaca dheeraa SNM, markii dawladdii dhexe ee Somaliya burburtay ee Somaliland na goonni isu taagtay, wuxuu 1993-dii noqday wasiirkii Arrimaha gudaha Somaliland ee dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Muuse Biixi wuxuu ka mid noqday gudigii fulinta, markii la aasaasay Xisbiga Kulmiye bishii may 2002-dii, isagoo gudoomiye kuixigeenka kowaad loo doortay 2008.
Muuse Biixi waxaa gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye loo doortay 10 nofembar 2015-kii, ka dib shirweynihii xisbiga, waxaana loo xushay in uu noqdo musharraxa xisbiga. Wuxuu ku hadlaa luqdaha English, Carabi, iyo Ruush. Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka, 2008 ilaa 2010.
Muuse biixi wuxuu leeyahay laba xaas iyo todoba caruur ah. saddex wiil iyo afar gabdhood. Waxaana ugu danbeyn loo doortay xilka madaxweynaha shanaad ee Somaliland isagoo metelaya xisbiga hadda talada haya ee Kulmiye.