Wednesday, July 16, 2025

Muwaadin Sacuudi ah oo lagu afduubtay dalka Lubnaan & Madax furasho laga dalbaday

Wararka laga helayo dalka Lubnaan ayaa sheegaya in muwaadin u dhashay dalka Sacuudiga lagu afduubtay dalka Lubnaan.

Ninkan oo 32 sano jir ah laguna magacaabo Cali Bishraawi ayaa laga afduubtay degaanka Kasrawaan ee Buurta Lubnaan habeenkii Khamiistii, waxaana ay dadka afduubtay la xiriireen xaaskiisa, iyadoo dalbaday lacag madax furasho ah oo dhan 1 Milyan oo Doolar.

Safaarada Sacuudiga ee Lubnaan ayaa la xiriirtay hay’adaha ammaanka Lubnaan si arrintan wax looga qabto, waxaana socda howglal ay ciidamada Lubnaan ku raadinayaan ninkan Sacuudiga ah ee ala afduubtay.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo Sacuudiga lagu eedeeyay inuu Ra’iisal wasaarihii Lubnaan ku qasbay is-casilaad, kadibna dadka Sacuudiga ku amray inay ka baxaan dalka Lubnaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON