Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareysi dheer siiyey Telefishanka Shabeelle ee Muqdisho, isagoo ka hadlay arrimo kala duwan.
Dad badan ayaa og sababta uu ku doortay Shabelle TV, waxaana lagu tilmaamay inuu isagu is wareysanayey , laakiin su’aalihii la weydiiyey iyo guud ahan wareysiga wuxuu ahaa mid aan wax cusub soo bandhigin marka laga reebo arrimaha uu waqtigu keenay sida muddo kororsiga.
– Difaaca muddo kororsiga
Qodobka kaliya ee ku cusbaa wareysiga Maxamed Farmaajo ayaa ahaa inuu difaacay muddo kororsiga labada sano ee uu xilka ku dheereystay, kuna mintiday, wuxuuna dafiray inuu isugu wax lug ah ku lahaa go’aanka Baarlamaanka, isagoo ku dooday inuu Baarlamaanku xor u ahaa tallaabadaasi, laakiin dhinaca kale wuxuu ku taagan yahay inuu go’aankaasi ku shaqeeyo oo aanu ka noqod lahayn.
– Burburkii wadahadalka
Wadahadalkii Doorashada ayuu fashikooda dusha u saaray madaxa Puntalnd iyo Jubbaland oo horeba uu in badan ugu eedeeyay; wuxuuna sheegay inay dhammaadeen heshiisyadii Doorashada; beesha calaamkuna aysan shir ku celin karin.
– Weerarka Siciid Deni iyo Axmed Madoobe
Farmaajo wuxuu weerar cusub ku ekeeyay Madxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, isagoo sheegay inay ku xiran yihiin shisheeye, siiba Imaaraadka Carabta, caqabadka ku noqdeen Doorasho la qabto.
– Xiriirka Farmajo iyo Itoobiya
Wuxuu difaacay xiriirka u la leeyahay Ethiopia, wuxuuna caddeeyay inay is fahmeen maadaama dalkaas uu ka dhacay isbaddel weyn, laakiin sooma hadal qaadin Eritrea oo xirii kaas ka dhow kala dhaxeeyo.
– FARMAAJO MA KELIGII TALIYAA?
Maxamed Farmaajo ayaa iska diiday in sida ay mucaaradka ku tilmaamaan inuu yahay ‘Keligii taliye’ aysan sax aheyn, isagoo ku dooday inuusan jirin siyaasi ama saxafi u xiran isaga, isla markaana aanan la cabburin shacabka iyo siyaasiyiinta.
