Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaar)i ayaa maanta u dhoofay dalka Suudaan xilli uu furmayo shirka madaxda maamul Goboleeyada iyo dowladda Federaalka.
Guddoomiye Jawaari ayaa casuumaad uu ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka Suudaan ku soo beegay xilligan, waxaana garoonka Muqdisho saaka ku sii sagootiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka iyo xildhibaanno.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaan inta badan lagu arkin shirarka madaxda dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo gebi ahaan joojiyay ka qeybgalka shirarka heer Federaal iyo xaadirista xafladaha waaweyn ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ka qeyb galaan.
Mudane Jawaari ayaa dowladii Xasan Sheekh si weyn uga dhex muuqday Madashii Qaran iyo shirarka waaweyn, iyadoo xaaladiisa ay isbedeshay xilligan Farmaajo iyo Kheyre ay hoggaaminayana dowladda Federaalka.