Monday, July 7, 2025

Muxuu isu casilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed..?

Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa iska casilay xilka, kadib markii uu is casilaadiisa uga dhawaaqay magaalada Baydhaba.

Guddoomiyaha Guddiga Carfo Ibraahim Aadan  is casilaadiisa lagu micneeyay inay ka dambeysay cabasho ku saabsan faragelin lagu hayo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo loo qorsheeyay inay dhacdo 17-ka bishan Novembar.

Arrintan ayaa ka danbeysay iyadoo maanta ay guddiga bilaabeen diiwaangelinta musharixiinta, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey warar ku saabsan in Shariif Xasan uu ka tanaasulayo tartanka doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, taasoo aan weli la xaqiijin.

Waxaa hore ayaa loo faafiyey muuqaal la sheegay in laga duubay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, kaasoo uuu  si buuxda ugu taageeray dib u doorashada madaxweynaha K/Galbeed ee waqtigiisu dhammaaday Shariif Xasan Sheekh  Aadan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON