Thursday, June 26, 2025

Muxuu isu casilay Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn..? [Akhriso Warbixin muhiim ah]

Ra’iisal wasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii kadib qoraal uu soo saaray iyo isagoo telefishanka kala hadlay dadka.

Is-casilaadda oo lama filaan ahayd ayuu Ra’iisal wasaare Hailemariam Desalegn khudbadiisa ku sheegay inay lagama maarmaan u tahay sidii loo qaadi lahaa dib u habeyn keeni karta nabad waarta iyo dimoqraadiyad.

Hailemariam Desalegn oo Itoobiya soo xukumayey tan io sanadkii 2012 ayaa sidoo kale iska casilay hoggaamiyihii isbaheysiga talada haya, waxayna arrintan ku soo beegmeysaa xaalad kacsan oo Itoobiya kasoo taagneyd sanadihii danbe iyo kacdoon ay wadaan laba qowmiyadood ee ugu waaweyn dalkaasi Oromad iyo Amxaarada.

Dowladda Itoobiya ayaa xabsiyada kasii deysay kumanaan mucaarad ah, balse taasi ma jooojin kacdoonkii ka taagnaa dalkaasi, waxayna wararku sheegayaan in xasilooni la’aanta itoobiya ka jirta ay kala qeybisay isbaheysiga talada haya ee Tigreegu gacanta ku hayo.

Siyaasiyiinta waaweyn ee Tigreega ayaa  ra’iisal wasaare Hailemariam Desalegn ku eedeeyay inuu yahay shaqsi jilcan oo aan go’aano adag qaadan karin, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay daminta kacdoonada Oromada iyo Amxaarada.

Itoobiya oo xaalad qas ah gasha ayaa laga digayaa inay gobolka Geeska Afrika ku keeni karta xaaladda ammaanka gobolka iyadoo dalalka waaweyn ay u adeegsan jireen dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo awood dhinaca gobolka ah.

Xisbiga talada haya ee Itoobiya ayaa shir degdeg ah ka yeelanaya is-casilaaddan, waxaana Hailemariam Desalegn uu sii heyn doonaa si KMG ah inta mas’uul cusub laga soo dooranayo, iyadoo ay ku xiran tahay inay aqbalaan xubnaha xisbiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON