Friday, June 27, 2025

Muxuu isu casilay Wasiir ku-xigeenkii Xannaanada Xoolaha Somaaliya..? [Akhriso Qoraal uu u diray Ra’iisal wasaaraha]

Wasiirku ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha uu xilka isaga casilay, kadib markii uu Caawa ku dhawaaqay inuu xilka isaga tegay.

Wasiir ku xigeenka qoraalkiisa ku sheegay in is-casilaadiisa ay sabab u tahay arrinta Galmudug iyo faragelinta xukuumadda ku heyso maamulkaasi oo uu sheegay inuu ku qanci waayey, wuxuuna baaq u diray xukuumadda uu ka baxay iyo dadka Galmudug.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA

Anigoo ah Xildhiban Cabdikarim khalif Cabdi (Dhalac) maanta oo taariikhdu tahay 20/09/20019 waxaan Go’aansaday inaan iska Casilo Xilkii aan ka hayey Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa. Sababaha aan isku casiley waxaa ka mida:

  1. Waxaan ku qanci waayey feragelinta Dowladdu ku heyso Dowlad Goboleeyadda dalka Ka jira, gaar ahaan Maamulka Galmudug oo ay hadda ka socoto qaban qaabo maamul u sameyn baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug iyo Dasturka dalka u yaal, taasoo keeni karta dib u dhac siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo mid hurumarineed. Sidoo kale waxay keeni kartaa kala fogeeynta labadii gobal ee ku midoobey dowlad gobaleedka Galmudug Kuwaas kala ah Mudug iyo Galgaduud.

Waxaan halkaan baaq uga dirayaa:
1- Xukuumada federalka iney ilaaliso Dastuurka dalka iyo nidaamka federalkanee Somali ku heshiisey faragalintana ay ka daayaan dhismaha dowlad gobaleedyada.
2- Waxaan kaloo ayagana baaq udirayaa dowlad gobaleeda dalka ka jira iney xil iska saaraan ilaalinta shuruucda dalka utaal oo dastuurku ugu horeeyo Iyo nidaamka federalism-ka ee ay ku dhisan yihiin.
3- Sidoo kale waxaan kula talinayaa dadka reer Galmudug inay ilaashadaan midnimadooda iyo wada jirkooda, Ayna ka fekertaan qofka ay ku aaminayaan aayahooda.

Waxaan ugu horeeyn u mahad celinaayaa R/wasaaraha Xukuummadda mudane Xasan Cali Kheyre ‘ iyo golaha wasirada ee aan saaxiibada nahey mudadii aan wada shaqeyney.
ugu dambeeyntii waxaan balan qaadayaa inaan ka shaqeyn doono midnimada iyo wanaaga ummadda soomaaliyeed, sidoo kale waxaan si dhow ula socon doonaa maslaxada dadka aan ku matalo golaha shacabka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON