Waxaa maanta si lama filaan ah isu casilay Wasiirki warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle oo muddo 11 bilood ah xilkaasi hayey, kadib markii laga qaaday xilii safiirka Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay inay in muddo ah ka guuxeysay inuu is casilo oo aanu ahayn go’aan ku soo bood ah, wuxuuna intaasi ku daray isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego.
Mar uu ka hadlayay waxa uu qaban doono hadda kadib markii uu iska casilay xilka wasiirka warfaafinta, isla markaana uu istiqaaladiisa gudbiyey oo aanay ka noqosho lahayn. Wuxuuna soo hadal qaaday arrimo ay isku qabteen madaxda dowladda sida siyaasadda arrimaha dibedda dowladda. habka dowladda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada dalka iyo qaabka loola macaamilo warbaahinta.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA VOA