Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ka baaqsaday ka qeyb galka Shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud Qaramada Midoobey magaalada New York.
Madaxweynaha oo lagu waday inuu maalinta Berri ah ee Axadda dalka ka dhoofo ayaa ka baaqsaday safarkaasi muhiimka ahaa, waxaana dalka ka dhoofay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Soomaaliya u meteli doona Shirkaasi, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Warka ayaa sheegay in wasiir Axmed Ciise Cawad uu shirka ku meteli doona madaxweynaha Soomaaliya, isagoo halkaasi ka jeedin doona khudbadda Madaxweyne Farmaajo jeedin lahaa.
Sanadkii hore ayey ahayd markii ay baraha bulshada iyo Saxaafadda si weyn looga dooday sababtii uu madaxweynaha uga baaqday shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaan doodihii ay sida weyn u beenisay dowladda ka mida ahaa in madaxweynaha uu heysto Baasaboor Mareykan ah oo caqabad ku ah xasaanadiisa diblomaasiyadeed, iyadoo dadka heysta dhalashada Mareykanka ay dalkaasi kaliya ku tegi karaan Baasaboorka Mareykanka.
Shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay ayaa madaxda dunida u ah madasha ugu weyn ee ay isku muujiyaan, isla markaana ay u arkaan fursad taariikhi ah, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan xaaladaha ku xeeran inuu madaxweyne sanadkii labaad ka baaqsado shirkaasi.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxweynaha uu gogol nabadeed udhigay magaalada Muqdisho madaxda Maamulka Galmudug oo uu doonayo inuu heshiisiiyo.